Pep Guardiola ayaa farta ku fiiqay Bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli kuna tilmaamay labadii xiddig ee sabab u ahaa in ay Arsenal horyaalka Kula tartanto Man City xilli ciyaareedkan.
Man City ayaa ugu dambayn ku guulaystay horyaalka premier League kadib markii ay tartan adag kala kulantay Gunners xilli ciyaareedkan.
Guardiola ayaa la hadlay Sky ka dib markii ay City kor u qaaday koobka ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen Chelsea axadii, waxaana uu qirtay in ciyaartoyda sida Saka iyo Martinelli dhaafi karaan daafacyada una baahanyihiin daafac sida Ake oo kale ah si loo joojiyo.
“Xiddigaha Bukayo Saka iyo Gabriel Martinelli waxa ay ahaayeen xiddigaha laf dhabarta u ah Arsenal xilli ciyaareedkan”.
“Waxa ay u baahanyihiin farsamo yar si ay u dhaafaan daafaacaaga waxana uu Nathan ake qabtay shaqo fiican”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link