Graeme Souness ayaa su’aal ka keenay saxiixii xagaaga ee Arsenal Kai Havertz wuxuuna qirtay inuu la yaabay Chelsea inay 65 milyan ku iibiso xiddiga reer Germany.
Havertz ayaa u saxiixay Arsenal heshiis shan sano ah ka dib markii uu Stamford Bridge uga tagay Emirates Stadium.
24-sano jirkaan ayaa seddex xilli ciyaareed ku qaatay Chelsea, isagoo dhaliyay 19 gool 91 kulan oo horyaalka ah, waxaana uu dhaliyay goolkii guusha finalkii Champions League ee 2021 ee Manchester City.
Havertz ayaa ka tagay kooxda Chelsea oo ku dhameysatay kaalinta 12-aad ee horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu ku biiray kooxda Arsenal oo u tartamaysay horyaalka.
Souness ayaa sheegay Inuu la yaabay u dhaqaaqista Arsenal ee Havertz, wuxuuna sheegay in qaab ciyaareedkii liitay ee Chelsea xilli ciyaareedkii hore uusan cudur daar ka siineynin qaab ciyaareedkiisa liitay.
“Uma maleynayo in qofna lacag 65 milyan ah ka bixin lahaa Kai Havertz marka lagu qiimeeyo wixii aan ka aragnay xiddiga sanadihii uu joogay chelsea”ayuu u sheegay Sky BET.
“Mikel Arteta waxa laga yaabaa in uu dareensanyahay in uu horumarin karo Havertz sababta oo ah Havertz ma ahan xiddig 65 milyan laga bixiyo”.

Related



Source link