Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Graeme Souness ayaa doortay shaxda isku dhafka ah ee kooxaha Man United Iyo Liverpool.
Dhamaadka xilli ciyaareedka ayaa fooda inagu soo haya iyada oo kaliya 2 kulan ka dhimantahay dhamaadka xilli ciyaareedka.
Liverpool iyo Man United ayaa ah kooxaha ugu guulaha badan premier League waxana si weyn loo daawadaa kulamadooda marka ay wada ciyaarayaan.
Graeme Souness oo qiimeeyay xiddigaha labada kooxood ayaa soo doortay shaxdiisa isku dhafka ah isaga oo ku soo xushay qaab ciyaareedka xiddigaha labada kooxood.
Labada kooxood ayaa ku hubaysan xiddigo heer caalami ah kuwas oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah intii uu socday xilli ciyaareedkan.
Kooxda Liverpool ayaa 7 xiddig ku leh shaxda isku dhafka ah halka ay kooxda Man United kaliya shaxda ku leedahay hal xiddig.

Related



Source link