Real Madrid ayaa guul adag ka gaartay kooxda Union Berlin shalay maqribnimadii Arbacada, kulan ka tirsanaa wareega 1-aad ee wareega Group-yada ee tartanka champions League.
Kooxda Real Madrid ayuu Goolka u dhaliyay xiddiga Jude Bellingham daqiiqadihii ugu dambeyay ee ciyaarta.
Wargayska Mundo Depotivo ayaa sheegay in ay Kooxda Real Madrid heshay lacag kadib markii ay dhamataay ciyaartii Los Blancos ciyaartay.
Wargayska ayaa sheegaya in ay Los Blancos jeebka ku shubatay lacag dhan 2.8 milyan oo euro kadib markii uu Bellingham dhaliyay goolka ay kooxdisu ku badisay.
Sidaas darteed Goolka Bellingham ayaa Real Madrid ka ca caawiyay in ay jeebka ku shubato lacag kadib markii uu dhaliyay goolka.
Related