Xiddiga Kia Havertz ayaa Arsenal u dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda Arsenal kulankii ay kooxdiisu ka badisay MLS All-Stars.
Havertz ayaa badal ku soo galay qaybta dambe ee ciyaarta kadib markii uu kaydka ku bilowday kulankiisii 2-aad ee kooxdiisa.
Xiddiga reer Germany oo la kulmay dhaleecayn xoogan kadib markii uu ku fashilmay tartan gaar ah ayaa ugu dambayn aamusiyay dadka dhaleeceeya.
Havertz ayaa si qurux badan gool ugu dhaliyay kooxdiisa kulankiisii 2-aad ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Xiddiga ayaa dhaliyay goolkii 5-aad ee kooxdiisa xilli ay Gunners guul 5/0 ah ka gaadhay kooxda MLS All-Stars.
Sii Akhriso: Dawlada Somaliya Oo Shaacisay In Ku Dhawaad 100 Al-Shabaab Ah Lagu Khaarajiyay Hawlagadlii Ugu Dambeeyay Ee Ciidanka Qaranka Somaliya
Related