Beledweyne (soomaalinews.com) – Xiisadda siyaasadeed ee ka jirta HirShabeelle ayaa cirka isku sii shareertay kadib markii maanta guddoomiyihii xilka laga qaaday ee gobolka Hiiraan uu labo u qeybiyey gobolkaas, isla markaana uu magacaabay maamullo cusub oo kala hoggaami doona labada gobol.

Cali Jeyte oo markii xilka laga qaaday sheegtay madaxweynaha Hiiraan State ayaa maanta sheegay in Hiiraan uu labo qeybiyey oo dhanka xiga Buuloburde uu u bixiyey Shabeellada Sare, waxaana la sheegay in HirShabeelle uu baacsi ku billaabaay xubnihii uu magacaabay.

Dad ku nool Buuloburde ayaa soomaalinews.com u sheegay in maanta ay ciidamo boolis ah tageen guriga mid ka ah raggii uu magacaabay Cali Jeyte, in kastoo aysan ugu tegin oo guriga uu ka maqnaa masuulkii ay raadinayeen.

Durbadiiba maanta waxaa bilaabatay hanjabaad, waxayna garabka Cali Jeyte ku goodinayaan in HirShabeelle aysan ku dhicin inay ku xirto Hiiraan masuuliyiintooda.

Madaxweynaha maamulka HirShabeelle ayaa xalay ka hadlay is qabqabsiga maamul eek a jira Hiiraan, isagoo dadka reer HirShabeelle ka codsaday inay u dul qaataan xiisadaha maamul ee soo cusboonaaday.

Madaxweyne Cali Guudlaawe, wuxuu sheegay in HirShabeelle aysan aheyn xisbi la galo oo laga baxo, balse ay tahay maamul goboleed jira oo la aqoonsan yahay, dadka dega gobolladiisana ay ku qasban yihiin  inay ka mid ahaadaan abid.

Dhinaca kale, waxaa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ay duleedka magaalada Beledweyne isbaaro dhigteen ciidamo maleeshiyaad ah oo taabacsan guddoomiyaha cusub ee Cabdullahi Sufurow, maadaama dhammaan barihii kontorool ee maamul ay weli joogaan ciidan taabacsan Cali Jeyte.

Sida ay ogaatay soomaalinews.com, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa HirShabeelle ka wada waan waan si hoose ku socota oo la doonayo in xal looga gaaro tabashooyinka sababay in Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ay kala go’aan.





Source link