Saxiixa Chelsea ee xiddigii hore ee da’yarta Manchester City Cole Palmer ayaa ka yaabiyay hal ciyaaryahan oo hore.
Emmanuel Petit oo xulka qaranka France kula guulaystay koobkii aduunka 1998 kii ayaa ka hadlay imaatinka xidiga xulka qaranka England ee 21 jirada.
Petit oo u soo ciyaaray kooxaha Arsenal iyo Chelsea ee horyaalka waayihiisii ​​ciyaaraha ayaa u sheegay Betway“Waan la yaabay in Cole Palmer uu ka tagay Man City kuna biiray Chelsea, waxaan daawaday kulankii Bournemouth, laba ama saddex xaalad ayuu ku galay xerada ganaaxa. , oo uu kubad u dhiibay ama baas qaldan qaatay”.
“Laakin sida Doku oo kale, hadii Palmer uu u ciyaaro City waxa uu garan lahaa waxa uu sameeyo, waxa uu garan lahaa waxa ay filayaan asxaabtiisa, marka dhanka Chelsea way ka duwan tahay, qaar ka mid ah ciyaartoydooda ayaa lumay, ma garanayaan waxa ay tahay inay sameeyaan”.
“Waxa la yaab igu noqotay in Palmer uu ku biiray Chelsea, Marna chelsea ma ahan go’aan khaldan laakiin deegaanka ayaa ka dhigaya mid halis u ah isaga”.

Related



Source link