Chelsea ayaa ku wargalisay Brighton inaysan diyaar u ahayn inay bixiyaan lacagta 80-ka milyan ee ay ku qiimayso xiddiga khadka dhexe ee Moises Caicedo.
Brighton ayaa Arsenal ka diiday laba dalab suuqii January laakiin waxa ay Brighton diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga suuqa xagaagan xilli ay sidoo kale Man United doonayso saxiixa xiddiga.
Chelsea ayaa la aaminsanaa in ay ugu cad-cadahay ku guulaysiga saxiixa xiddiga 21 jirka ah kadib markii ay heshiiska shaqsiga ah la gaadhay xiddiga.
Laakiin Blues ayaan wadahadalo la furin kooxda Brighton sida ay sheegayaan wararku.
Wargayska The Times ayaa sheegaya in ay chelsea u sheegtay Brighton in ayna bixin doonin lacagta ay doonayaan in ay ku iibiyaan xiddiga da’yarka ah.
Go’aanka chelsea ayaa wadada u furaysa kooxda Man United kuwaas oo dhinacooda suuqa ugu jira badalka Mason Mount kaas oo ay chelsea ka diiday dalabyo badan oo ay ku doonayso.
Related