Gary Neville ayaa tilmaamay afartii kulan ee ay Arsenal ku lumisay koobka Premier Leaque-ga oo ay ka qaaday Manchester City.
City ayaa loo caleemo saaray horyaalka Premier League markii 5-aad 6-dii sano ee ugu dambaysay kadib markii ay Gunners guuldaro kala kulantay Nottingham Fores halka ay Man City ka badisay chelsea.
Gunners ayaa hogaanka u haysay horyaalka premier League inta ugu badan xilli ciyaareedkan laakiin bur-burkii kulamadii ugu dambeeyay ayaa keentay in ay lumiso horyaalka premier League.
Xilli ay Man City badisay 12 kulan oo xidhiidh ah, Kooxda Mikel Arteta yaaa kaliya badisay 2 kulan 8-dii kulan ee ugu dambaysay iyada oo dhibco ku lumisay Liverpool, Brighton, Forest, West Ham iyo Liverpool.
Kulamadaas qaarkood ayaa loo arkay in ay yihiin kuwo ay Arsenal badin karto laakiin Gunners ayaa ku dhibaatooday in ay hesho 3-da dhibcood ee kulamadaas.
“Ma jirin cid xitaa aniga in ay Man City ku guulaysan doonto horyaalka, marna ma filayn in ay Arsenal dhibco ku lumiso kulamadii ay dhibcaha ku lumisay”ayuu Neville u sheegay Sky Sport.
“Kulamadii Newcastle, Manchester City, Liverpool & Chelsea waxa ay ahaayeen kulamo adag wayna dhici kartaa in aad dhibco ku lumisid laakiin hadii ay Arsenal kulamadii kale dhibcaha qaadan lahayd way ku guulaysan lahayeen horyaalka”.
“Aniga ahaan kulamadii Sababta u noqday in ay Arsenal lumiso horyaalka waxa ay ahaayeen West Ham, Southampton, Brighton iyo Nottingham Forest”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link