Gary Neville ayaa amaanay kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard kadib guushii cidhiidhiga ahayd ee ay Gunners ka gaadhay Everton Axadii.
Gunners ayaa guul muhiim ah ka gaadhay Everton iyaga oo uga mahad celinaya Leandro Trossard kadib markii uu gool qurux badan u dhaliyay.
Inkasta oo uu xiddiga reer Belguim ku guulaystay abaalmarina xiddiga ciyaarta hadana waxa si weyn u ciyaaray Kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard.
Neville ayaa aaminsan in Kabtanka Arsenal uu yahay xiddig uu Pep Guardiola si hadal la’aan ah kooxdiisa ugu dari lahaa hadii uu fursad u helo.
Neville ayaa u sheegay Sky Sports: “Odegaard, wax badan ayay u baahan tahay in la yiraahdo tan laakiin marka aad ka fikirto ciyaartoyda ugu quruxda badan kubada cagta ee aan daawanay todobadii ama sideeddii sano ee ugu dambeysay Premier League waxaan mar walba ka fikiraa David Silva iyo Kevin De Bruyne kuwaas oo u ciyaara si fiican”.
“Odegaard, ma dhahayo wuxuu ku fiican yahay De Bruyne ama Silva weli, waxaan u maleynayaa inuu helay xoogaa xirfadiisa ciyaareed, laakiin wuxuu gaaray heer marka aad daawato ciyaartiisa aad la dhacaysid”.
“Waxan filayaa hadii uu Pep Guardiola helayo saxiixiisa in uu si shaki la’aan ah kooxdiisa ugu soo dari lahaa”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link