Xiddigii hore ee kooxda Man United Gary Neville ayaa Arsenal ku weeraray in ay si xad dhaaf ah ugu dabaal-dageen goolkii rikoodhada ee uu Bukayo Saka ka dhaliyay kooxda Tottenham.
Arsenal ayaa 2 jeer hogaanka u qabatay ciyaarta laakiin Tottenham ayaa isla markiiba ka soo laabatay natiijada isla markaas bar-baraysay ciyaarta.
Saka ayaa bilowgii qaybtii dambe ee ciyaarta hogaanka u dhiibay kooxdiisa kadib markii rikoodhe loo dhigay kooxdiisa.
Kadib markii uu Saka dhaliyay Arsenal ayaa si waali ah ugu dabaal-dagtay goolka laakiin dabaal-dagaas ayaan wakhti badan socon iyad aoo Tottenham isla markiiba dhalisay goolka bar-barhaa.
“Ma doonayo in aan bilaabo muran ku saabsan dabaa-daga ka bad-badiska ah ee Arsenal Laakiin markii uu Saka dhaliyay goolka dhamaantood waxa ay wada aadeen koornaha”ayuu Neville u sheegay Sky Sport.
“Wali waxa u hadhsan shaqo, waxa ay ahayd in ay ciyaarta diidara saaraan oo ay dhamaystiraan ciyaarta laakiin markiiba waa laga dhaliyay”.
“Uma malaynayo in ay ahayd wakhtigii ay ka bad-badin lahaayeen dabaal-daga isla markaas ay kooranaha tagi lahaayeen, waxa ay ahayd wakhtigii ay ciyaarta diirada saari lahaayeen oo ay dhamaysiri lahaayen”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link