Muqdisho (soomaalinews.com) – Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa shaaciyay in maanta maxkamadda gobolka Banaadir la horgeeyay Garsoore Maxakadeed, kaasi oo ku eedaysan musuq-maasuq iyo xatooyo dadweyne.

Garsoorahaan maanta la horgeeyay maxkamadda ayaa ah guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Degmada Yaaqshiid, sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed kasoo baxay Xeer Ilaalinta.

Maxkamadda ayaa eedaysanahaan u gudbisay xabsi ku-meel-gaar ah, kadib markii ay ku qanacday caddaymaha hordhaca ah ee uu soo bandhigay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

“Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa waxay eedaysanaha u gudbisay xabsi kumeel-gaar ah, si loo soo dhameystiro baaritaankiisa loona bilaabo Maxkamadayntiisa,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Dhawaan ayay aheyd markii uu Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu maxkamadda gobolka Banaadir uu horgeeyay saraakiil dowladeed oo loo haysto eedeymo la xiriira musuq-maasuq.

Saraakiishaas oo ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda, gaar ahaan canshuuraha berriga, ayaa lagu soo eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne iyo sameynta dokumentiyo dowladeed oo been abuur ah, sida boonooyin lacag qabasho oo lagu qoray xog been abuur ah.

Arrimahan ayaa qeyb ka ah howl-gallada socda ee lagula dagaalamayo xatooyada xoolaha dadweynaha iyo sameynta waraaqaha been abuurka ee ay wadaan hay’addaha amniga.

Si kastaba, ciidamada ammaanka ayaa la sheegaya inay weli ku raad-joogaan shaqsiyaad kale oo ka tirsan shabakadaan ay qeybta ka ahaayeen saraakiishan u xiran dowladda ee loo haysto musuqa, kuwaasi oo iyaguna la horgeyn doono cadaaladda.





Source link