Waxa ay saacado yar inaga xigaan final-ka champions League dhexmari doona kooxaha Inter Milan iyo Man City.
Labada kooxood ayaa isaga hor iman doona garoonka caasimada Turkey ee Istanbul iyada oo dhamaan taageerayaasha kubada cagta isha ku hayaan kulankaas.
Laakiin saacado ka hor kulanka waxa la arkayaa qiiq ka soo baxaya gudaha garoonka ay ka dhici doonto ciyaarta xiisaha leh ee caawa.
Garoonka ayaa u muuqda mid gubanaya iyda oo aan ilaa haatan la ogayn sababta keentay qiiqa soo baxaya garoonka uu kulanka ka dhici doono.
Man City ayaa isha ku haysa in ay markii ugu horaysay ee taariikhdeeda ku guulaysato koobka dhagaha weyn ee champions League.
Meanwhile in Istanbul. The smoke has reached the stadium. 🔥 #UCLfinal pic.twitter.com/O1pL4JujaM
— Florian Plettenberg (@Plettigoal) June 10, 2023
Related