Tababaraha xulka England Gareth Southgate ayaa hoos u dhigay walaaca laga qabo taam ahaanshaha Bukayo Saka ka dib markii xiddiga Arsenal laga saaray ciyaartii ay 4-0 kaga badiyeen Malta habeenkii Jimcaha.Saka ayaa dhanka midig kaga soo bilowday xulka saddexda libaax kulan ka tirsan isreeb-reebka Euro 2024 ee Group C, waxaana 21-sano jirkaan uu qeyb weyn ka qaatay goolkii ugu horeeyay ee kooxdiisa.
Dhamaadkii qeybtii hore ee ciyaarta, Saka ayaa u muuqday mid ka dhaawacmay canqowga ka dib taakal uu sameeyay, waxaana garabka Arsenal uu dhowr daqiiqadood ku jiray garoonka isagoo la daweynayay.
Saka ayaa awooday inuu sii ciyaaro ilaa iyo dhamaadka ciyaarta ,laakin Southgate ayaan wax halis ah gelinin taam ahaanshihiisa,waxana uu 21-sano jirkaan ku bedalay xiddiga kooxda Manchester City Phil Foden.
Si kastaba ha ahaatee, mar wax laga weydiiyay xaalada Saka shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib, Southgate ayaa xaqiijiyay in ka bedelida da’yarka ay aheyd taxadar kaliya, isagoo yiri:
“Wuu fiican yahay. Kaliya ma dooneynin inaan halis gelino waayo waxaan heysanay natiijo fiican.”
Si kastaba Saka ayaa la ogeyn inuu taam u noqonayo kulanka isniinta ee Waqooyiga Macedonia ee Old Trafford, iyadoo England ay rabtay inay afar guul ka gaarto afar kulan oo Euro 2024.
Related