Ciyaaryahanka Manchester City Erling Haaland ayaa sameeyay taariikh ka dib markii uu ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahanka da’da yar ee Premier League ee xilli ciyaareedka.
xiddiga reer Norway ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Man City xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay waxana uu dhaliyay wax ka badan 50 gool tartamada oo dhan isaga oo sidoo kale noqday xiddigii ugu horeeyay ee dhaliyay wax ka badan 35 gool xilli ciyaareed kaliya tan ilaa Alan sheare.
Haaland ayaa helay aqoonsiga dadaalkiisa isaga oo horay ugu guulaysatay xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedka ee abaalmarinta ay bixiyaan qorayaasha kubada cagta.
sidoo kale Haaland ayaa haatan loo caleemo saaray da’yarka ugu fiican horyaalka premier league xilli ciyaareedkan.
Haaland ayaa taariikh sameeyaya kadib markii uu noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee la gudoonsiiyo abaal marinta ciyaartoyga sanadka iyo waliba da’yarta sanadka ee abaal marinaha Premier league.
Isagoo horey u qaatay abaal marin sare, Haaland waxaa sidoo kale loo magacaabay da’yarka sanadka, isagoo ku dhameystay liiska musharaxiinta oo ay ku jiraan Sven Botman, Moises Caicedo, Alexander Isak, Alexis Mac Allister, Gabriel Martinelli, Martin Odegaard iyo Bukayo Saka.

Related



Source link