Tababaraha Kooxda Man United ee Erik Ten Hag ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga qayb qaadan doono kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Kooxda Man United ayaa u safray America si ay isku diyaarinta xilli ciyaareedka ugu soo qaataan halkaas.
Waxa liiska ka soo muuqday xiddiga daafaca ka ciyaara ee Jonny Evans kaas oo saxiixay heshiis wakhti yar ah oo uu kula joogi doono kooxda.
Xiddiga Jonny Evans ayaa ka qayb ahaan doona kooxda Man United ee laba kulan ku ciyaari doonta dalka America.
Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha Man United ee u safartay America:
Goolhayaasha: Nathan Bishop, Elyh Harrison, Matej Kovar.
Daafacyada: Jonny Evans, Alvaro Fernandez, Will Fish, Marc Jurado, Lisandro Martinez, Raphael Varane, Aaron Wan-Bissaka, Brandon Williams.
Khadka dhexe: Fred, Dan Gore, Hannibal, Isak Hansen-Aaroen, Kobbie Mainoo, Mason Mount, Donny van de Beek.
Weerarka: Amad, Antony, Noam Emeran, Omari Forson, Joe Hugill, Jadon Sancho.
Sii Akhriso: Go’doominta Al-Shabab Ee Magaalada Baydhabo Oo Sii Xumaatay & Xaalado Soo Kordhay.

Related



Source link