Erik ten Hag ayaa u muuqda in uu aad ugu faraxsan yahay waxa uu ka arkay Mason Mount kulankiisii ugu horeeyay ee Man United kulankii Leeds United.
Wuxuu yiri ka dib guushii 2-0 ee Leeds ay ka gaareen MUTV: “Wax weyn, qeybtii hore, waan fileynay. geesinimo badan buu lahaa. Farxad badan ayaad ka qaadan kartaa isaga.”
Xiddiga khadka dhexe ee Mount ayaan wax gool ah ka dhalin ciyaarta, laakiin waxa uu helay fursado fiican qaybtii hore ee ciyaarta.
Xiddiga reer England ayaa cadaadis badan saaray xiddigaha Leeds United waxana uu ka mid ahaa xiddigaha soo bandhigay qaab ciyaareedka fiican.
Xiddiga Mount ayaa haatan isku diyaarinaya kulanka ay todobaadka dambe la ciyaari doonaan Lyon kulankooda 2-aad ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Sii Akhriso: Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Ka Jawaabtay Eeda Garaad Jaamac Garaad Cali U Soo Jeediyay Kuna Saabsan Dagaalka Laasacaanood.
Related