Mashruuca Erik Ten Hag Ee Man United ayaa bur-buri kara hadii maamulka Man United sameeyaan khalad sabab u noqday fashilkii Jose Mourinho.
Qorshaha Man United ee suuqa kala iibsiga ayaan la hubin iyada oo ay socoto iibka kooxda kaas oo haatan socotay muddo 7 bil ah.
Ten Hag ayaa sidaas darteed ku hawl gali doona suuqa xagaaga lacagta milkiilayaasha haatan kuwaas oo aan bixin doonin lacag badan.
Iyada oo tababaruhu u baahanyahay Goolhaye, Daafac, khad dhexe iyo weerarahan Ten Hag ayaa u baahnaan doona in uu iska iibiyo xiddigaha kooxda haatan ka hor inta uuna suuqa galin.
Ten Hag ayaa aad uga xaanaaqsan xaalada uu ku jiro xilli xiddigaha bartilmaameedka u ah uuna ilaa haatan awoodin in uu helo.
Hadii ay arintu u dhacdo sidaas oo ay United lumisay bartilmaameedyada muhiimka ah waxa ay la mid noqon doontaa sidii jose Mourinho ee sanadkii 2018.

Related



Source link