Waxay u egtahay in tababaraha Manchester United Erik ten Hag uusan u maleyneynin in Arsenal ay haysato waxa ay ku qaadi karto horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe.
Gunners ayaa si aad ah ugu dhawaatay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore iyaga oo hogaaminayay intii ugu badnayd xilli ciyaareedka.
Manchester City ayaa ugu dambeyntii ku guuleysatay horyaalka, Ten Hag ayaa aaminsan in ay City tahay kooxda kaliya ee haatan ka fikiri karta in ay ku guulaysan karaan horyaalka xilli ciyaareedka oo aan xitaa bilaaban.
Isagoo la hadlayay saxafiyiinta, Ten Hag ayaa sharaxay: “Waxaan u maleynayaa in wakhtig lagu jiro isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub ayna ahayn in ay kooxna ka fikirto ku guulaysiga horyaalka”
“Waxa aan qabaa in kooxda kaliya ee sidaas samayn karta ay tahay Man City, way samayn karaan sababta oo ah 6-dii sano e ugu dambaysay waxa ay ku guulaysteen horyaalka 5 sano”.
“Sidaas darteed iyagu way ka hadli karaan ku guulaysiga horyaalka xitaa xilli ciyaareedka oo aan bilaaban laakiin kooxaha kale kama hadli karaan”.
“Kooxaha kale waa in ay marka hore ka fikiraan in ay marka hore ku soo baxaan 4-ta koox ee ugu saraysa, kadib 2-da kooxood ee ugu saraysa kadib ay ka fikiraan ku guulaysiga horyaalka”.
Related