Erik ten Hag ayaa ka warbixiyay Lisandro Martinez iyo Victor Lindelof ka dib markii daafacyada Manchester United la bedelay kulankii Axadii ee Premier League ee Arsenal.
Martinez ayaa garoonka ka baxay daqiiqadii 66-aad ee qaybta dambe waxana lagu badalay Harry Maguire iyada oo xiddigii hore ee Ajax uu ku dhaawacmay xilli uu doonayay in uu joojiyo weerarka Xiddiga Eddie Nketiah.
Lix daqiiqo kadib Ten Hag ayaa badalay Lindelof kaas oo lagu badalay Johnny Evans kaas oo heshiis hal sano ah u saxiixay kooxda Man United.
Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ciyaarta ka dib, ten Hag wuxuu sharaxay Lindelof inuu la dhibtoonayay xanuun intii ay socotay ciyaarta iyadoo Martinez uu dhaawac lugta ah uga baxay garoonka.
“Victor wuu xanuusanayay, waxa ay ahayd in uu soo boxo”ayuu Ten Hag yidhi.
“Martinez waxa uu ka dhaawacmay lugta, mana hubo inta uu dhaawaciisu leegyahay, waa in aan sugno baadhitaanka”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link