Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay go’aan muran dhalisay ka gaarto cidda dhaxli doonta funaanadda caanka ah ee No.7 ee kooxda.
Xiddigii ugu dambeeyay ee xidha Maaliyada No.7 ayaa ah Cristiano Ronaldo kaas oo xidhay qaybtii hore ee xilli ciyaareedkii dhamaaday ka hor inta uuna banayn suuqii January.
Tababare Ten Hag ayaa lagu soo waramayaa in uu qorshaynayo in uu Lambarka caanka ah siiyo da’yarka Alejandro Garnacho.
Lambarka taariikhda ku leh kooxda Man United ayay soo xidheen Halyeeyada kooxda ee sida Bryan Robson, Eric Cantona & David Beckham.
Garnacho ayaa ka mid ah xiddigaha ugu fiican ee u soo kacaya kooxda isaga oo wacdaro dhigay xilli ciyaareedkiisii ugu horeeysay ee kooxda 1-aad.

Related



Source link