Erik ten Hag ayaa diiday in uu meesha ka saaro warar kooxdiisa la xidhiidhinaya xiddiga Neymar.
Xiddiga reer Brazil ayaa la fahamsan yahay inay diyaar u yahay in uu isaga tago kooxda PSG dhamaadka xilli ciyaareedkan xilli Man United ka mid tahay kooxaha lala xidhiidhinayo.
Neymar ayaa PSG ugu soo biiray lacag rikoor ah markii uu ka tagay Barcelona sanadkii 2017 laakiin waxa uu ka mid yahay xiddigo waaweyn oo la filayo in ay ka tagaan kooxda reer France.
Waxa la sugi doonaa in la arko sida ay macquulka u tahay ee ay Man United ugu dhaqaaqi doonto saxiixa xiddiga marka la eego in ay kooxdu u baahantahay in ay boosas kale iska xoojiso.
Laakiin tababaraha ayaan meesha ka saarin u dhaqaaqista xiddiga markii wax laga waydiiyay wararka Neymar la xidhiidhinaya kooxda Man United.
“Markaan war helno waanu kuu sheegi doonaa,” ayuu yidhi Ten Hag isaga oo qoslaya.
United ayaa markale ku mashquuli doonta suuqa kala iibsiga xagaagan iyada oo ay xiddigo badan ka tagi doonaan Old Trafford lana keeni doono badalkooda.

Related



Source link