Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa ka codsaday Harry Maguire inuu kooxda sii joogo xagaagan.
Daafaca dhexe ee reer England ayaa laga qaaday masuuliyada kabtanimada kooxda Man United iyada oo loo magacaabay xiddiga Bruno Fernandes.
Si kastaba ha ahaatee, tababaraha reer Holland ayaa ku wargeliyay daafaciisa khibrada leh in ka qaadista masuuliyada kabtanimo ayna la macno ahayn in aan laga rabin United.
Sida laga soo xigtay talkSPORT, Maguire iyo Ten Hag ayaa si gaar ah uga hadlay xaalada maalmihii lasoo dhaafay.
Tababaraha United ayaa ku wargaliyay Maguire in uu boos ka haysto kooxda Man United xilli ciyaareedka soo socda.
Maguire ayaa rajeynaya inuu soo bandhigo qaab ciyaareed wanaagsan marka loo eego xilli ciyaareedkii hore oo uu dib u helo booskiisii caadiga ahaa.
Sii Akhriso: WARBIXIN: Is Bar-Bardhig Lagu Sameeyay Mushaharka Ay Qaataan Ciidamada Nabad Ilaalinta Somaliya Jooga Ee ATMIS & Ciidamada Xooga Dalka Somaliya.
Related