Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Jose Enrique ayaa sheegay in tababaraha Man United ee Erik Ten Hag laga caydhin doono shaqada Man United ka hor inta aan laga caydhin tababaraha Chelsea ee Mauricio Pochettino.
Ten Hag ayaa xagaagii hore la wareegay shaqada Old Trafford wuxuuna Man United ku hogaamiyay koobkoodii ugu horeeyay muddo lix sano ah iyada oo Red Devils kor u qaaday koobka Carabao Cup.
Ten Hag ayaa sidoo kale Old Trafford ku hogaamiyay final-ka FA Cup-ka halka uu u soo saaray champions League.
Si kasta ha ahaatee Ten Hag ayaa wajahaya cadaadis wakhti hore xilli ciyaareedkan iyaga oo ku dhibaatoonaya in ay qaab ciyaareed fiican soo bandhigaan.
Man United ayaa badisay kaliya 2 kulan 4 kulan oo ay ciyaartay iyaga oo aan sidoo kale soo bandhigin qaab ciyaareed fiican labadii kulan ee ay badiyeen.
“Uma maleynayo in arrimuhu si wanaagsan ugu dhamaan doonaan Erik ten Hag”ayuu Enrique u sheegay Grosvenor Sport.
“Waan jeclaa sida uu wax u maamulay xilli ciyaareedkii hore, laakiin xaalada Jadon Sancho xilli ciyaareedkan, ma garanayo sababta uu u sameeyay wixii uu sameeyay isaga oo qolka labiska oo dhan iska soo horjeediyay”.
“Waxaan dareemayaa in aan la ceyrin doonin Ten Hag xilli ciyaareedkan, laakiin mustaqbalka waa la ceyrin doonaa ka hor inta aan la caydhin Mauricio Pochettino”.
Related