Enzo Fernandez ayaa daaha ka qaaday inuu la xiriiray Paulo Dybala si uu isugu dayo inuu ku qanciyo xiddiga Roma inuu ku biiro Chelsea xagaagan.
Tababaraha cusub ee Blues Mauricio Pochettino ayaa la sheegay inuu xiiseynayo inuu weeraryahanka reer Argentina keeno Stamford Bridge, isagoo horey isku dayay inuu u saxiixo Tottenham iyo Paris Saint-Germain.
Wararka ka imanaya Italy ayaa sheegaya in Dybala uu heshiiskiisa Roma ku jiro lacag lagu burburin karo oo dhan kaliya 12 milyan oo euro.
Mar wax laga weydiiyay wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan Dybala ee la xidhiidhinaya chelsea ayuu Fernandez yidhi”Haa, waa wax aan arkay waxan rajaynayaa in uu yimaado”.
“Waan la hadlay oo u sheegay inaan sugayay inuu yimaado chelsea waxa aan u baahanhaya qof aan qolka labiska la wadaago oo aan isku dal naha”.
Sii Akhriso: XASAASI: Al-Shabab Oo Fariin U Dirtay Dadka Reer Laasacaanood

Related



Source link