Ku Biiristii Fabinho ee kooxda Al-Ittihad ayaa u muuqata mid halis ku jirta sida ay sheegayaan wararka haatan soo baxaya.
Xiddiga reer Brazil ayaa qarka u saarnaa in uu noqdo xiddigii ugu dambeeyay ee magac ku leh yurub ee aada horyaalka sucuudiga xagaagan.
Fabinho ayaa kooxda Al-Ittihad la gaadhay heshiis halka ay sidoo kale kooxda Al-Ittihad dhigeeda Liverpool kala heshiisay qiimaha ay ku iibinayso xiddiga.
Si kasta ha ahaatee ku biiristii xiddiga ee horyaalka sucuudiga ayaa halis ku jirta sabab la xidhiidha Eey ay leedahay xaaska xiddiga.
Xaaska Fabinho ayaa leh Eey-ga noociisu yahay “French Bulldogs” kaas oo ah mid kula nool guriga sidoo kale ka qayb ah noloshooda caadiga ah.
Laakiin Sucuudiga ayaa laga mamnuucay nooca Eeyga ay leedahay xaaska Fabinho sidaas darteed looma ogolaanayo in ay xitaa dalka la galaan Eeyga iska dhaaf in ay guriga ku haystaane.

Related



Source link