Muqdisho (soomaalinews.com) – Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta la wareegay gurigii laga soo riday hoobiye lagu garaacay aagga garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo shir jaraa’id ku qabtay guriga ay dowladdu la wareegtay ayaa soo bandhigay tiro hoobiyaal ah oo halkaas loogu tegay.

Afhayeenka ayaa cadeeyey inay baxsadeen raggii gurigaas ka soo dhex riday hoobisha, isagoo sheegay lagu raad joogo oo cadaaladda la hor keeno doono, markii ay soo qabtaan ciidamada ammaanka.

Guriga ay dowladdu la wareegtay ee shacabka Muqdisho laga soo weerari jiray ayaa ku yaalla degaanka Garasbaaley, gaar ahaan waaxda labaad ee Foorilow, sida uu sheegay Afhayeenka Booliska Soomnaaliya.

“Waxaa guriga hadda ku sugan ciidanka amaanka, waxaana socda baaritaan arrintaan la xariira, sidoo kale waxaan caganta ku dhignay baalootooyin hoobiye ah oo aan weli qarxin,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku sii daray, “Guriga waxaa la wareegtay dowladda oo gacanta ayaa lagu sii heynayaa ilaa inta laga soo qabanayo raggii weerarkaan fuliyey.”

Weerarkii maanta ayaa qeyb ka noqonaya falalka amni darro ee mararka qaar ka dhaca caasimada, xilli dowladda federaalka ay kordhisay howl-gallada lagu sugayo amniga iyo kuwa lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka socda caasimadda Muqdisho.

Howlgalkii lagu soo helay guriga laga soo tuuri jiray hoobiyeyaasha waxaa fuliyey ciidamo ka kala tirsan Booliska, Nabad-sugida iyo Ciidanka Polizia Militare ee xoogga dalka Soomaaliyeed, sida uu sheegay afhayeenka booliska.





Source link