Brussels (soomaalinews.com) – Qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaalida ee ku dhaqan dalka Belgium-ka, ayaa dareen ka muujiyay lacagaha laga qaado dadka u soo doonta safaarada Soomaalidu ku leedahay Magaalada Brussels waraaqaha aqoonsiga, kuwa dhalashadda iyo baasaboorka Soomaaliga.  

Jamaal Caraaye oo ka mid ah Jaaliyada Soomaalida Magaalada Antwerp iyo Guddoomiyaha ganacsatada Soomaalida dalkaasi Eng. Maxamed-deeq ayaa aragtiyo kala duwan ka muujiyay waxqabadka iyo kaalinta safaarada.  

Jamaal Caraaye, oo ka qeybgalayay dood ku saabsaneyd waxqabadka safaarada iyo kaalinta safiirka, wuxuu sheegay in safiirku uu safaaradii Qaranka ka dhigay goob sida uu doono u maamulo. 

“Safiir Yoonis, wuxuu kaga duwan yahay safiiradii hore dadka la shaqeeyo iyo xittaa kuwa uu mushtamaca ka xushay waa dad uu is leeyahay waad isticmaali kartaa. Dowladda Soomaaliya waa in ay il-gaar ah ku eegtaa waxa ka soconaya safaarada, in magacii iyo heykalkii Dowladnimada loo isticmaalo dan shaqsi ah waxeey dhaawaceysaa kalsoonidii ay bulshadu ku qabtay Dowladooda. Madaxweyne Xassan iyo Ra’iisul Wasaare Xamza waxaan ka codsaneynaa in ay tixgeliyaan farriintii Jaaliyadeenu ugu soo fartay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhowaan nagu soo booqday Antwerpen,” ayuu yiri Jamaal Caraaye, isaga oo intaasi ku daray in ay jiraan dad aqoonyahanno ah oo isku dayay in ay safiirka la shaqeeyaan markii ay arkeen inuu yahay shaqsi safaaradii ka dhigay maqaayad uu isagu maamulo ay howshii isaga tageen.  

“Safaaradi waxeey ku shaqeysaa nidaam iyo shuruuc, qof kasta na wuxuu leeyahay waajibaad dastuuri ah iyo meeqaam. Marka laga hadlayo nidaamka diblumaasiyada, howsha safaarada waxaa mas’uul ka ah Qunsulka, safiirku wuxuu leeyahay maamuus gaar ah, waxaa safaarada ka socda haddaad ogtihiin iyo haddii kale ba waa “dis-respect” lagu sameeyay gabadha Qunsulka ah ee dhowaan la soo magacaabay. Waxaan rabaa inaan safiirka weydiiyo hal su’aal; Siddeey ku dhici kartaa in safaaradii oo leh intaas oo baabuur oo adiga laftigaaga hadda aad soo iibsatay baabuurkii 2-aad, isla markaana aad degan tahay dhismihii safaarada adiga iyo shaqsi kale, inaad Qunsulkii safaarada  dejisay Magaalo kale oo aad tiri subax walba tareen ku soo shaqa-tag. Qunsulka ma haysato baabuur, waxeeyna degan tahay guri “sharing” ah; Arrintaasi kuma aha ceeb iyo weji-gabax keliya Dowladda Soomaaliya waxeey kaloo fadeexad ku tahay nidaamka diblumaasiyada,” ayeey tiri Istaahil Maxamuud Shire oo ka mid ah Jaaliyada Soomaalida Magaalada Gent. 

Eng. Maxamed-deeq oo ka mid ah ganacsatada hormuudka u ah Soomaalida, wuxuu muujiyay aragti ka duwan tan Jamaal Caraaye, wuxuuna safiirka ku tilmaamay shaqsi ey tahay in lagu ammaano siduu u soo celiyay haykalkii iyo sharaftii ay safaaradan Brussels laheyd.  

“Qofka doonaya inuu qiimeeyo waxqabadka safiirka, anigu waxaan qabaa inuu safaarada tago, soo arko qaabka ay u shaqeyso iyo adeega ay bulshada u qabato. Waa jiraan dad badan oo ka cabanaya lacagaha ay safaaradu ka qaado dadka waraaqaha iyo baasaboorada ka soo doonta, dhaqaalahaas na waxaa lagu kabaa baahida dadka safaarada ka shaqeeya iyo adeegyada safaaradu u baahan tahay,” ayuu yiri Eng. Maxamed-deeq.  

Eng. Maxamed deeq, waxaa kale uu sheegay in dhowaan shir lagu maamuusayay sannad-guuradii 1-aad ee ka soo wareegatay markii la doortay Madaxweyne Xassan xaflad ay qabteen in safiirku kala soo qeybgalay. 

HOOS KA DAAWO DOODA KU SAABSAN WAXQABADKA SAFAARADA. 





Source link