Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool Dominik Szoboszlai ayaa laga yaabaa in uu ‘u kashifay’ aqoonsiga kabtanka cusub ee kooxda ka hor bixitaanka Jordan Henderson.
Liverpool ayaa haatan heshiis la gaartay Al Ettifaq si ay u iibiso Henderson, kaasoo horay heshiis shaqsi ah uga gaaray kooxda reer sucuudi.
Bixitaanka 33-sano jirkaan ayaa ka tagi doona Reds oo raadineysa bedelkiisa kabtanka kooxda.
Kabtan ku xigeenka James Milner ayaa sidoo kale ka tagay kooxda xagaagan, iyadoo Virgil van Dijk, Mohamed Salah iyo Alisson Becker ay ka mid yihiin xiddigihii kale ee Liverpool ee xirtay calaamada xilli hore.
Szoboszlai ayaa si maldahan baraha bulshada ugu xaqiijiyay xiddiga kabtanimada ka badali doona Henderson.
Xiddiga Szoboszlai kadib ciyaartii Karlsruher soo dhigay sawir uu ku xusayo ciyaarta ugu horaysa ee uu u ciyaaray kooxda Liverpool.
Daafaca Virgil Van Dijk ayaa faalo ka bixiyay sawirka Szoboszlai waxana uu xiddiga khadka dhexe ka ciyaara faaladii Van Dij ugu jawabay Qoraal ah “C” oo inta badan loo soo gaabiyo kabtanka ciyaarta.

Related



Source link