Saxiixa cusub ee kooxda Liverpool ee Dominik Szoboszlai ayaa shaaca ka qaaday sababtii uu doortay Lambarka No.8-aad ee kooxda Liverpool.
Xiddiga khadka dhexe ee Dominik Szoboszlai ayaa maanta si Rasmi ah u noqday xiddig Liverpool kadib markii uu qalinka ku duugay heshiis wakhti fog ah.
Xiddiga Dominik Szoboszlai ayaa maanta si Rasmi ah loo soo bandhigay waxana uu qaatay Lambarka No.8 oo ah mid banaan kadib markii uu Naby Keita ka tagay kooxda.
Dominik Szoboszlai oo sharaxay sababta uu u doortay No.8 ayaa yidhi”Waxa aan xidhan doonaa No.8, sababta oo ah waxa aan taageere weyn u ahaa Steven Gerrard”.
“Waxa aan jidhkayga ku sawiray Gerrard waana sababta aan u qaatay No.8 waxana uu ahaa mid ka mid ah xiddigaha ugu badan ee aan taageeri jiray”ayuu sii raaciyay.
Dominik Szoboszlai ayaa noqday saxiixii 2-aad ee khadka dhexe ee ay Liverpool samaysay suuqa xagaaga iyada oo Klopp dib u dhis ku wado.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Culimada Soomaaliyeed Oo War Ka Soo Saartay Kitaabkii Lagu Gubay Dalka Sweden.
Related