Muqdisho (soomaalinews.com) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya shil diyaaradeed oo goordhow ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay.
Diyaaradda oo siday rakaab ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhacday agagaarka dhabaha ay diyaaradaha ku ordaan ee garoonka Aadan Cadde, kadib markii ay soo dhacday diyaarad lagu magacaabo Hala Airline.
Waxaa diyaaradda saarnaa ku dhowaad illaa 30 qof oo rakaab ah, sida laga soo xigtay goobjoogayaal ku sugan garoonka Muqdisho.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in shilkan diyaaradeed uu geystay khasaare u badan dhaawac iyo burbur soo gaaray diyaaradda.
Dhinaca kale Xildhibaan Yuusuf oo ka tirsan Golaha Shacabka oo qoraal kooban soo saaray ayaa beeniyay diyaaradda dhacday ay la socdeen ra’iisul wasaarayaashii hore ee dalka, Cumar Cabdirashiid iyo Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas), kadib markii lagu baahiyay inay la socdeen diyaaradda ku dhacday garoonka.
“Xaqiijin….Diyaaradii ay la socdeen Madaxweyna Gaas iyo Raysal wasaare cumar Cabdirashiid waxba ma gaarin, waxa ayna ka dagaysa Garoonka Muqdisho daqiqadaha soo socda insha Allah. Shacabka Soomaaliyeed ee dhaawacmay ee diyaaradda dhacday saarnana waa u tacsiyeynaynaa, Allaha u booga dhayo” ayuu yiri xildhibaanka
Wararkii ugu dambeeyay ayaa haatan sheegaya in uu socdo gurmad loo fidinayo rakaabka iyo shaqaalaha diyaaradda.
Faahfaahinta kala soco soomaalinews.com.net.