Dimitar Berbatov ayaa uga digay Manchester City in ku guuleysiga horyaalka Premier League ay noqon doonto ‘mid adag’ xilli ciyaareedka soo socda, isagoo sheegay in kooxaha Manchester United, Arsenal, Liverpool iyo Chelsea ay kula tartami doonaan ku guulaysiga premier League.
Inkasta oo ay Arsenal kala kulmeen tartan adag xilli ciyaareedkii hore hadan Man City ayaa ugu dambayn ku guulaystay horyaalka premier League markii 3-aad oo xidhiidh ah.
Ku guulaysiga City ee premier League waxa fududeeyay dhibaatada kooxaha Liverpool iyo chelsea Laakiin Berbatov ayaa rumaysan in ay labada kooxood horumari doonaan xilli ciyaareedka dambe kuna tartami doonaan horyaalka.
Berbatov ayaa sidoo kale sheegay in Kooxdiisii hore ee Man United iyo Arsenal ay sidoo kale kula tartami doonaan Man City ku guulaysiga horyaalka premier League.
Mar la weydiiyay hadii uu aaminsan yahay in Man United ay la tartami doonto Man City xilli ciyaareedka soo socda, Berbatov ayaa u sheegay Betfred:”Way u tartami doonaan sababta oo ah Erik Ten Hag ayaa wax walba gacanta ku haya”.
“Erik Ten Hag ayaa Man United ku hogaamin kara horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe”.
“Dabcan way ku adkaan doontaa Man City in ay samayso waxa ay samaysay sanadkan laakiin Man United way ku dhiiranaan karto in ay joojiso”.
“Sidoo kale waxa aan aaminsanahay in ay Arsenal, chelsea iyo Liverpool kula tartami doonaan Man City”.
Related