Muqdisho (soomaalinews.com) – Wasiirka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Barre Maxamuud oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa ka hadlay guul-darradii Soomaaliya kasoo gaartay tartankii orodnka ee lagu qabtay Shiinaha.

Wasiirka ayaa marka hore iska fogeeyay in wasaaraddu ay wax door ah ku laheyd xulidda gabadha Soomaaliya ku metaleysay tartankaas oo lagu magacaabi Nasri Abuukar Cali.

Barre ayaa shaaca ka qaadayin tartanka uusan heer qaran, balse uu ahaa midka jaamacadaha aduunka, isla-markaana gabadhan aysan soo xulin wasaaradda, balse matrka ay baxaysay kaliya lasoo ogeysiiyay, isaga oo eedda dusha ka saaray xiriirka diray.

“Sida ay ku tegtay ama sifaha lagu xulay aysan aheyd wax ay ogeyd wasaaradda” ayuu yiri wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ka wasaarad ahaan ay aad uga xun yihiin, kana raalli-gelinayaan bulshada. sida wax u dhaceen & guul-darrada weyn ee soo gaartay Soomaaliya.

“Waxa maanta dhacay ma aheyn wax munaasab ku ahaa dadka Soomaaliyeed, runtii ka wasaarad ahaan aad ayaan uga xunahay, waana ka raalli gelineyaa bulshada” ayuu  raaciyay.

Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaradaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay qaadayaan tallaano ku aadan arrintan, isla-markaana ay baarayaan, sida lagu soo xulay Nasara.

“Arin aad u foolxuma badan ayeey aheyd ee tartankii shinaaha magaca Soomaaliyeed iyo calanka meel uusan istaahilin ayaa la dhigay gabadha ka qeybgashay tartankaasi orodka sida loo soo xulay waan baareenaa” ayuu mar kale yiri wasiir Maxamed Barre Maxamuud.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo hadal heyn xoogan ay ka dhalatay ka qayb-galka tartankan ee gabadhan oo kaalinta u dambeysa ka gashay orodka, waxayna dad badan su’aal ka keeneen qaab dhismeeda iyo in aysan u diyaarsaneyn tarta noocaas oo kale ah.





Source link