Minneapolis (soomaalinews.com) – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Isaaq Maxamuud Mursal (Isaaq Fanax) oo booqasho ku jooga magaalada Washington D.C. ayaa sheegay in wasaaraddu waddo qorshaha lagu furayo qunsuliyadda safaaradda ee magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inay ku dadaalayaan wax ka qabashada qiimaha baasaboorka Soomaaliga ee laga qaato Mareykanka oo aad u sarreeya.

Wasiir ku-xigeenka oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa ujeeddada safarkooda uu ahaa inay kormeer ku sameeyaan shaqada safaaradda Soomaaliyeed ee dalka Mareykanka.

Wuxuu sheegay in Soomaalida joogta dalka Mareykanka ay muhiim u tahay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isagoo balan qaaday inay muhiimad gaar ah siinayaan jaaliyadda ku nool Mareykanka.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa sheegay inay deg deg u fulinayaan balan-qaadkii madaxweynaha ee ahaa in la furayo qunsuliyadii safaaradda Mareykanka ee magaalada Minneapolis.

“Waxaan rabnaa inaan furno qunsuliyadii safaaradda ee magaalada Minneapolis, waxaana hadda socda qorshaha lagu furayo qunsuliyadda oo weli ma aanaan dooran halkii laga furi lahaa, laakiin waxaan heysanaa dhowr goobood oo qunsuliyada laga dhisi karo waana kala dooraneynaa,” ayuu yiri wasiir Isaaq Maxamuud Mursal.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay wax ka qaba doonaan cabasho ka timid Soomaalida ku nool dalka Mareykanka, taas oo ku saabsan qiimaha baasaboorka.

Hoos ka dhageyso wareysiga wasiir ku xigeenka







Source link