Muqdisho (soomaalinews.com) – Xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka ayaa maanta warbaahinta u soo bandhigay badeeco dhacday oo laga beddelay dheydkii, isla markaana bulshada lagu qiyaamay, iyadoo looga dhigayo badeeco cusub.

Sidoo kale waxaa la soo qabtay ganacsato lagu eedeeyey inay Suuqa Bakaaraha ka furteen xarun waqtiga dhicitaanka looga beddelo badeecada dhacda.

Xeer ilaaliye ku xigeen dalka Jabriil Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay inay soo qabteen dad jawaanada raashinka ka badalayey taariikhda, kuwaas oo xarun gaar ah ka furtay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Waxaa la soo bandhigay raashin, cabitaano iyo badeecooyin kale oo la sheegay in bulshada lagu qiyaamayey isla markaana ay dhaceen, balse raggaani ay taariikhda dhicitaan ka beddeleen.

“Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, wuxuu gacanta ku hayaa cunnooyin iyo cabitaanno uu dheydkoodu dhacsan yahay oo laga bedelay dheydkoodii saxda ahaa,” ayuu yiri Jabriil Cabdi Xeer ilaaliye ku xigeen dalka.

Sidoo kale wuxuu balan qaaday in markii ay soo dhamaadaan baaritaanadaan ay eedeysanayaasha la hayo hor geyn doonaan maxkamadaha dalka, si sharciga loo marsiiyo dadka ku kacay qiyaanadaas.

Xafiiska xeer ilaalinta dalka ayaa bulshada Soomaaliyeed uga mahadceliyey in xogta sababtay in lasoo qabto raggaan ay soo gudbiyeen, wuxuuna Xeer ilaaliye ku xigeenku bulshada ka dalbaday inay kala shaqeeyaan soo qabashada dadka ku kacaya qiyaanada noocaan oo kale ah.

“Waxaan uga digeynaa cid kasta oo bulshada ka iibisa cunno dhacday, waxaan marsii doonaa qofkii ku kaca falkaas sharciga, wuxuuna la kulmi doonaa cawaaqib adag,” ayuu yiri Jabriil Cabdi.

Hoos ka daawo





Source link