Garoowe (soomaalinews.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid CabdullaahIi Deni oo haatan booqasho ku marayo deegaano ka tirsan gobolka Bari ee maamulkaasi ayaa ka hadlay muranka ka dhashay arrimaha doorashada qof iyo codka ah.

Saciid Deni ayaa ku dhowaaqay go’aan la xiriira doorashadaas iyo qorshaha xukuumaddiisa, waxaana uu sheegay in doorashada ay xilligeeda ku dhaceyso.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in aysan jiri doonin cid hor-istaagi karta qabsoomida doorashadan oo ah mida golaha deegaanka oo haatan si weyn la’isugu hayo.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in Puntland ay horumar u tahay in 50 sanno kadib ay dalka ka qabaneyso doorasho qof iyo cod ah, loona baahan yahay in la wada taageero.

Hadalkan ayaa u muuqda mid uu Deni ugu jawaabayo xubnaha mucaaradka oo iyagu ka biyo diiday qabsoomida doorashooyinkaasi oo muran xoogleh ka dhaliyay Puntland, isla-markaana xittaa sababay dagaal todobaadkii hore ka dhacay caasimada weyn ee Garowe.

Siyaasiyiinta mucaaradka oo shirweyne ku yeeshay Garoowe waxa ay horay u shaaciyeen  in qaabka loo wado doorashada ay horseedayso xasilooni darro, ayaga oo sidoo kale sheegay in doorashada aan lagu aamini karin madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

“Shirku wuxuu ugu baaqayaa xukuumadda Puntland in ay joojiso doorashooyinka aan heshiiska lagu ahayn oo sababi kara xasilooni darro iyo qalalaase” ayaa lagu yiri.

Xaaladda siyaasadeed ee Puntland ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana la’isku hayaa arrinta doorashada, ayada oo ay sii dheer tahay khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana la filayaa in doorashada ay billaabatio 25-ka bishan May, walow ay ka biyo diidan yihiin mucaaradka Puntland.





Source link