Garoowe (soomaalinews.com) – Maamulka Puntland ayaa ka laabtay waaran uu dhawaan u jartay siyaasiyiinta mucaaradka qaarkooda, kuwaasi oo diidana hanaanka uu maamulka Saciid Deni ku wado doorashada Puntland.

Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay Isimada iyo Nabadoonada gobolka Nugaal ay xal ka gaareen khilaafka ka taagna doorashada, kaasi oo dhawaan isku rogay gacan ka hadal dhaliyay dhimasho iyo dhaawaca, kaasi oo ka dhacay caasimadda maamulkaasi ee Garoowe.

Kulan ka dhacay hoyga Islaam Ciise Islaam Maxamed ayaa la sheegay in lagu go’aamiyay in siyaasiyiinta mucaaradka ay magaalada ka saaran maleeshiyaadka taabacsan, islamarkaana ay doorashada golaha deegaanka ku dhacdo si nabdoon.

Odayaashan dhaqanka ayaa waxa lasoo warinaya inay mucaaradka ku qanciyeen in doorashadu si nabad ah ku dhacdo, islamarkaana ay magaalada caasimadda ah ka saaraan maleeshiyaadka lagu carqaladaynayo doorashada iyo amniga caasimadda.

Mucaaradka ayaa la qaatay isimida iyo nabadoonada in doorashada golaha deegaanka kadibna la isugu yimaado shir guud oo looga tashanayo doorashada madaxweynaha ee 2024-ka.

Maanta ayaa lagu wadaa in deegaanada gobolka Nugaal loo daabulo sanaaduqda doorashada golaha deegaanka ee gobolkaas, kadib markii dhinacyada isku hayay arrintaan ay dhamaantood ku qanceen go’aanka dhaqanka.

Sidoo kale Xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Puntland Axmed Maxamed Yuusuf Taaran ayaa ka laabtay warqaddii soo xirista siyaasiyiin kamid ah mucaaradka, oo lagu eedeeyay inay masuul ka ahaayeen rabshadii dhawaan ka dhacday garoonka diyaaradaha Garowe.

Waxaa la qorsheeynaya in maalin kadib loo dareeri doono doorashada golaha deegaanka ee 37 degmo ee maamulka, taasi oo lagu tilmaamay “dhacdo taariikhi ah oo aan horey uga dhicin Soomaaliya, tan iyo burburkii kadib.”

Arrimahaan ayaa imanaya xilli ay wakiiladda beesha caalamka ay taageero u muujiyeen isku dayga uu madaxweyne Saciid Deni ku qabanayo doorasho qof iyo cod ah.

“Ka hor doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee Puntland ee dhacaya 25-ka Maajo, saaxiibada Soomaaliya ee beesha caalamka, waxay shacabka Dowlad Goboleedka Puntland ee Xubinta ka ah Dowladda Federaalka ku bogaadinayaan sida ay uga go’antahay inay ka mirodhaliyaan himmiladooda iyo ballanqaadyadooda dimoqraadiyadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka wakiiladda caalamiga ah.

Sidoo kale waxaa bayaankas ay ku sheegeen inay ku dhiiri-gelinayaan dhammaan daneeyayaasha inay gacan ka geystaan xaqiijinta ​​sidii doorashada loogu qaban lahaa jawi nabdoon iyo in miiska wada-hadalka lagu xaliyo khilaafaadka doorashada ka jira, iyada oo loo marayo hanaanka sharciga.

Si kastaba, Xiisadda Puntland ee ka dhalatay doorashada ayaa hadda u muuqata mid kasoo reynaysa, xilli ay maalmihii lasoo dhaafay xoogeysatay, taasi oo galaafan gaartay amniga guud ee magaalada Garoowe ee xarunta dowlad-goboleedka Puntland.





Source link