Paris Saint-Germain ayaa wadahadalo la yeelatay Tababaraha Arsenal Mikel Arteta oo ay ka wadahadleen suurtogalnimada uu ku noqon karo tababaraha xiga ee kooxda sida ay sheegayaan wararka ka imanaya France.
Arteta ayaa Gunners ku hogaamiyay in ay ku dhamaysato kaalinta 2-aad ee horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore.
Tababaraha reer Spain ayaa saxiixay heshiis cusub oo Arsenal ah kaas oo kooxda ku sii haynaya ilaa sanadka 2024 si kasta ha ahaatee PSG ayaa wadahadalo la yeelatay
Kooxda PSG ayaa raadinaysa tababare cusub kadib markii ay iska caydhiyeen tababare Christophe Galtier kadib dhamaadkii xilli ciyaareedka.
Wal-walka kooxda Arsenal waxa sii badinaya in uu Arteta haatanba wadahadalo la yeeshay kooxda reer France isla markaas diyaar u yahay in uu qabto kooxda caasimada.

Related



Source link