Kooxaha Man United iyo West Ham ayaa lagu soo waramayaa in ay ka heshiiyeen saxiixa xiddiga Harry Maguire si ay sheegayaan wararku.
Harry Maguire oo laga qaaday kabtanimadii kooxda ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.
Sida laga soo xigtay Fabrizio Romano, Man United iyo West Ham ay heshiiska afka ah ka gaadheen saxiixa Harry Maguire.
Romano ayaa sheegay in ay labada kooxood haatan ka shaqaynayaan sidii ay u gaadhi lahaayeen heshiiskii ugu dambeeyay ee saxiixa.
Labada kooxood ayaa haatan ka wada hadlaaya qaabka loo bixinayo iyo lacagaha gunooyinka noqon doona.
Sidoo kale kooxda ayaa bilaabaysa in ay heshiiska shaqsiga ah la gaadho xiddiga reer England.

Related



Source link