Declan Rice ayaa taageerayaasha West Ham United u soo bandhigay rajo cusub oo ku aadan mustaqbalkiisa kooxda ka dib markii laga duubay muuqaal isagoo u sheegaya taageere da’yar inuusan ‘meel u socon’ xagaagan.
Arsenal ayaa 90 milyan oo euro ku dalbanaysa xiddiga khadka dhexe halka sidoo kale uu xiiso ka helayo kooxaha Bayern Munich iyo Man United.
Rice ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda West Ham suuqa xagaagan iyada oo lala xidhiidhinayo kooxo badan oo reer yurub ah kuwaas oo doonaya saxiixiisa.
Madaxweynaha kooxda West Ham ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga 24 jirka ka tagi doono kooxda laakiin Rice laftiisa ayaa ka meer-meeray in uu xaqiijiyo kooxdiisa cusub.
Tallaabadii ugu dmabaysya waxa soo baxay muuqaal muujinaya in xiddiga Rice taageere West Ham ah u sheegay in uu sii joogi doono kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.
Muuqaalka oo lagu wadaagay TikTok Rice ayaa la weydiiyay kooxda uu doonayo inuu aado waxana uu ku jawaabay”Meelna uma socdo”.
Taageeraha ayaa sii waday oo waydiiyay Rice kooxda uu dooranayo waxana uu ku jawaabay”Ma jirto, West Ham ayaa kooxdayda ah”.

Related



Source link