Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal ee Declan Rice ayaa sheegay in uu xidhiidh dhaw la leeyahay xiddiga kooxda Arsenal ee Eddie Nketiah sida ay sheegayaan wararku.
Arsenal ayaa sabtidii si Rasmi ah u xaqiijisay in ay 105 milyan oo euro kula soo wareegtay xiddiga khadka dhexe kaas oo ka dhigay saxiixa ugu qaalinsan taariikhda.
Rice ayaa sheegay halka xiddig ee uu xidhiidhka fiican la leeyahay isla markaas uuna sugi karin in uu ka garab ciyaaro.
“Waxa aan Eddie Nketiah kaga soo garab ciyaaray kooxda chelsea ee 9 jirada iyo 14 jirada”ayuu Rice yidhi.
“Chelsea ayaa labadayadaba fasaxday isku maalin waxa uu ku biiray Arsenal halka aan aniguna ku biiray West Ham Laakiin haatan waan isku soo laabanay”.
“Mar walba waan jeclaa Eddie Nketiah labada qoys aad ayay isugu dhawaayeen”ayuu sii raaciyay.
Sii Akhriso: Howlgal qorsheysan Oo Ay Fuliyeen Ciidamada Gaarka U Tababaran Ee DANAB Oo Lagu Dilay 18 Ka Tirsan Al-Shabaab.

Related



Source link