Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Declan Rice ayaa shaaca ka qaaday in Mikel Arteta uu door weyn ka qaatay go’aankii uu gu biiray kooxda Arsenal ugagna soo biiray West Ham.
24-sano jirkaan ayaa si rasmi ah u noqday ciyaaryahankii ugu qaalisanaa abid ee kubadda cagta Ingiriiska ka dib markii uu 105 milyan ginni ku yimid Emirates.
Sidoo kale Rice ayaa noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga kooxda Arsenal waxana uu qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah.
“Waxaan la socday Arsenal labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay iyo qaabkii ay ku socdeen, ma ahan xilli ciyaareedkii hore oo kaliya laakiin xilli ciyaareedkii ka sii horeeyay waxa ay ku dhamaysteen kaalinta 5-aad laakiin waxad arki kartay qaab ciyaareedka uu Mikel Arteta dhaqan galinayo”ayuu Rice yidhi.
“Marka aad eegto sida uu Mikel u dhisayo kooxda una ciyaarsiinayo in ay yihiin xiddigo da’yar ah ayaa door weyn ka qaadatay in aan ku biiro kooxda Arsenal”ayuu sii raaciyay.
Related