Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Arsenal Declan Rice ayaa u digay Man City ka hor kulankooda Axda ee horyaalka premier League.
Rice ayaa u sheegay Man City in ay Arsenal wax walba u samayn doonto sidii ay u garaaci lahayd kooxda difaacanaysa Premier League.
City iyo Arsenal ayaa isaga hor iman doona kulan adag iyada oo loo saadaalinayo in ay yihiin kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga Premier League xilli ciyaareedkan.
Guuldaradii Arsenal ka soo gaadhay Lens ayaa ahayd guuldaradii ugu horaysya ee tartamada oo dhan Rice ayaana dareensan in natiijadaas noqon doonto mid u fiican kooxdiisa sababta oo ah waxa ay ku soo laaban karaan wadada guulaha.
“Waxa aan ilaa haatan ciyaarnay 10 kulan xilli ciyaareedka, 50 kale ayaa dhiman”ayuu Rice yidhi.
“Kaliya haatan ayaan diyaargaroobaynaa waxana aan helaynaa qaab ciyaareedkeena ugu fiican laakiin dareenkeena buuxa waxa uu u jeedaa premier League”.
“Kulan walba waa kulan weyn Sidoo kale Man City waa kulan adag, waa kulan aan diyaar u nahay”.
“Man City horay ayaan u garaacnay xilli ciyaareedkan kulankii Community Shield-ka sidaas darteed wax walba waan samayn doonaa si aan u garaacno”ayuu sii raaciyay.
Related