Halyeyga Arsenal David Seaman ayaa ku wareersan go’aanka Mikel Arteta uu kaydka ku dhigay Goolhaye Aaron Ramsdale.
Goolhayaha ayaa laga saaray shaxda Kooxda tan ilaa kadib fasaxii xulalka iyada oo David Raya uu noqdy dookha 1-aad ee Arteta.
Arintan ayaa timid kadib markii Raya loo doortay Goolka Arsenal 3-dii kulan ee ugu dambaysay ee ay ciyaartay Arsenal.
Ramsdale ayaa muhiim ka ah Arsenal laakiin haatan waxa uu wajahayaa shaki ku jira mustaqbalkiisa laakiin Arteta ayaa sheegay in la badali karo Goolhayayaasha.
Laakiin Seaman waxa uu dareensan yahay in tababaraha Arsenal uu wajahayo shaqo aan macquul ahayn si uu ugu farxiyo laba Goolhaye oo fiican.
“Mar walba waxa aan dareensanahay in Goolhayuhu uu dagan yahay isla markaas uu ogyahay in uu yahay dookha 1-aad”ayuu u sheegay Express Sport.
“Ma garanayo hadii uu Ramsdale ka fikirayo in uu isaga tago kooxda laakiin, Goolhayuhu mar walba waxa uu doonayaa in uu ciyaaro”.
Related