David Seaman ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Chelsea ay ceyriso Mauricio Pochettino sabab la xidhiidha in ayna tartan la gali doonin kooxda uu jecelyahay ee Arsenal.
Pochettino ayaa la wareegay kooxda chelsea xagaagii laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu guulo ku hogaamiyo kooxda iyada oo kooxdu badisay kaliya Hal kulan 6-dii kulan ee ugu horeeyay.
Tababaraha reer Argentine ayaa haatanba wajahaya cadaadis xoogan iyada oo dad badan aaminsan yihiin in shaqadiisa halis ku jirto.
Laakiin Halyeeyga Arsenal Seaman ayaa taageere weyn u ah tababarihii hore ee Tottenham waxana uu dareen yahay in uu horumarin doono Blues hadii uu sii joogo kooxda.
“Aston Villa waxay garaacday Chelsea, waxaana jiray hadal hayn badan oo ku saabsan in Pochettino la ceyriyo,”ayuu Seaman yidhi.
“Pochettino ma ahan dhibaatada, hadii ay shaqada ka caydhiyaan waan farxi doonaa”.
“Mar walba oo uu joogo waxa uu fiicnayn doonaa kooxda chelsea”ayuu sii raaciyay.
Related