David De Gea ayaa xaqiijiyay inuu ka tagi doono Man Utd hadal qiiro leh oo uu u jeediyay taageerayaasha.
Goolhayaha ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu waqtiga dheeraa ee Red Devils, isagoo la soo saxiixday 2011kii.
Qandaraaska De Gea ayaa dhacay horaantii bishaan, waxana ay kooxdu la laabatay heshiis cusub oo ay u soo bandhigtay Goolhayaha.
De Gea ayaa haatan xaqiijiyay inuu ka tagayo United si uu tartan cusub uga galo meel kale.
“Waxaan doonayay inaan fariintan sagootinta ah u diro dhamaan taageerayaasha Manchester United,” ayuu yiri goolhayaha.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan muujiyo mahadnaq iyo qaddarin aan kala go’ lahayn oo aan u hayo jacaylkii 12-kii sano ee la soo dhaafay”.
“Wax badan ayaan gaarnay tan iyo markii uu Sir Alex Ferguson ii keenay kooxdan”.
Sii Akhriso: Khasaaraha Rasmiga Ah Ee Ka Dhashay Dabkii Qabsaday Suuqa Magaalada Jigjiga Oo La Ogaaday.

Related



Source link