Kooxda ka ciyaaeta horyaalka sucuudiga ee Al-Ittihad ayaa doonaysa in ay la saxiixato xiddiga kooxda Real Madrid ee David Alaba ka hor inta uuna xidhmin suuqa sucuudiga saacadaha soo socda.
Kooxda Al-Ittihad ayaa dareenkeeda u jeedisay saxiixa xiddiga reer Austria kadib markii ay lumiyeen xiddiga Sergio Ramos oo iska diiday kuna biiray kooxda Sevilla.
Al-Ittihad ayaa xiddiga Alaba u soo bandhigtay heshiis 2 sano a oo uu ku joogayo kooxda ilaa sanadka 2026.
Sida laga soo xigtay wargeyska Relevo, David Alaba ayaa si degdeg ah u diiday dalabkaas markii uu helay, waxaana lacagta la soo bandhigay ay ahayd 20 milyan oo euro saadkii laakiin xiddiga ayaa doonaya in uu sii joogo Real Madrid.
Sidoo kale, sida laga soo xigtay wargeyska, daaficii hore ee Bayern Munich ayaa doonaya inuu sii joogo Real si uu u sii wado ku guulaysiga koobabka isla markaas ayna ahayn wakhtigii saxda ahaa ee uu tagi lahaa horyaalka sucuudiga.
Related