Muqdisho (soomaalinews.com) – Korneel Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsan Saraakiishii hore ee NISA oo ka hadlayay xaaladda dalka, gaar ahaan howlgallada haatan socda ayaa ka falceliyay khudbado kala duwan oo ay dhowaan jeediyeeni wasiirka Gaashaanshigga, Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo siyaabo kala duwan uga hadlay arrimaha ciidamada.

Macow oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle TV ayaa sheegay in wasiirka gaashaandhigga uusan aqoon lun aheyn ciidamada, uuna ku xadgubay xeerka, sida uu hadalka u dhigay.

Korneelka ayaa si gaar ah u dhaliilay khudbad uu wasiirka u jeediyay guuto ladaogu magac daray Khaalid Bin Waliild ee dhowaan laga sagootiyay Muqdisho, si ay qayb uga noqto dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay inay aheyd mid cabsi-gelin ah.

“Waxaan dhageystay khudbaddii wasiirka gaashaandhigga ee uu leeyahay waxaa la’idinka rabaa laba arrimood guul iyo geeri wiilkaa dhalinyarada ah ee mutadawac ah oo dalkiisa iyo dadkiisa rabo inuu difaaco hadalkaas oo kale laguma yiraahdo, hadalkan sidoo kale wuxuu meel ka dhac ku yahay xeerka ciidanka ” ayuu yiri Korneel Cabdullaahi Cali Macow.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa sii raaciyay “Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed waxaa waayay in lagu dhiirageliyo wadaniyadda”.

Waxaa kale oo uu wasiir Jaamac dhaliilay in ciidamada uu u adeegsado baraha bulshada, taas oo uu tilmaamay inay tahay xadugub, sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxweynaha inuu arrintaasi wax ka qabto, si loo saxo khaladaad uu sheegay inuu ka kacayo wasiirka.

“Wasiirka gaashaandhigga waa siyaasi ma aheyn in Social Media-ha ciidanka la hortego, kadibna uu khudbado noocaas ah oo ciidanka cabsi gelineysa ujeediyo marka waxaa la rabaa in madaxweynaha fowdadaas uu wax ka qabto ” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Dhanka kale wuxuu Korneel Cabdullaahi Cali Macow u jawaabay wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi oo isna dhowaaan ka hadlay arrimaha ciidamada Gorgor iyo Haramcad.

“Wasiirka arrimaha gudaha qadafka ka dhacay waxaa waayay oo dadka oo dhan ay is weydiiyeen inuu yiraahdo Gorgor iyo Haramcad baahaladii waxaa looga maarmay guutadii waxaa dhaqaaqday Khaalid Bin Waliid, laakiin Gorgor iyo Haramcad baahalo ma’ahan sida ay u dagaalameen waa la ogyahay dagaalka ay illaa iyo hadda Khawaarijta kula jiraan way ogyihiin madaxda iyo Ummadda Soomaaliyeed” ayuu uga falceiyay hadalkii Wasiir Fiqi.

Ugu dambeyn Korneelka ayaa dalbaday in madaxda sare ee qaranka ay arrintaan wax ka weydiiyaan labada wasiir, maadaama ay ay yihiin mas’uuliyiin xilal ka haya dowladda.

“Waxaan rajeynaara’iisul wasaaraha in su’aashaas labada wasiir weydiiyo sababta ay ciidanka niyaddooda u jebinayaan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.





Source link