Xiddiga kooxda Al-Nassr ee Cristiano Ronaldo ayaa laga reebay liiska xiddigaha u tartamaya abaalmarinta xiddiga ugu fiican adduunka ee Ballon d’Or.
Majalada France Football ayaa soo saartay Liiska 30-ka xiddig ee u tartamaya abaalmarinta xiddiga ugu fiican ee Ballon d’Or-ka.
Cristiano Ronaldo ayaa markii ugu horaysay laga reebay Liiska xiddigaha u tartamaya abaalmarinta Ballon d’Or tan ilaa sanadkii 2003.
Sanadkii 2003 ayay ahayd markii ugu dambaysay ee uuna Cristiano Ronaldo ka soo muuqan Liiska xiddigaha u tartamaya abaalmarinta.
Ronaldo ayaa ka ciyaara horyaalka sucuudiga waxana uu waayay booskiisii abaalmarinta ugu tunka weyn kubada cagta.
Related