Saamaynta Cristiano Ronaldo ayaa ah mid aad u weyn iyada oo xitaa Ciidamadu samaynayaan dabaal-dagiisa sida lagu helay baraha bulshada.
Mid ka mid ah ciidamada ku jira dagaalka uu Ukraine kula jiro Russia ayaa ka soo muuqday baraha bulshada isaga oo samaynaya dabaal-daga Ronaldo isaga oo ku jira dagaalka.
Isaga oo ridaya qoriga loo yaqaano CAESAR self-propelled howitzer, Askri reer Ukraine Ah ayaa la arkay isaga oo samaynaya dabaal-daga Cristiano Ronaldo ee caanka baxay.
Muuqaalkan ayaa ah mid si weyn looga hadal hayo baraha bulshada iyada oo Askarigu soo jiitay indhaha taageerayaasha kubada cagta iyo baraha bulshada.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka:
Related